Damaca Farmaajo Ee Dib U Dhaca Doorashada & Muddo Kordhinta

Somalia news

Inkastoo ay Dowladda Federaalka iyo Maamulada Gobolada ay wada gaareen Heshiiska Doorashooyinka 2020/21, isla markaasna ay soo baxeen khilaafyo ka dhashay Xalinta Xiisada Ciidamada Gobolka Gedo iyo Guddiyada Doorashada, Ayaa la sheegay inuu ahaa Khidad uu Mr.Farmaajo ku doonaayay inuu wakhtiga ku lumiyo si muddo Kordhin (3-bilood) ah loogu sameeyo Muddo xileedkiisa…

Heshiiskaan aya ka koobnaa 15-qodob kuna saleysnaa Doorasho dadban oo lagu galo hanaanka 4,5, taasoo Dalka Somalia ku dhaqmeysay ilaa sanadkii 2000-kii, wuxuuna xeerinaayay doorsho degaan oo ka dhacda labada degaan iyo ergo 101 ah oo soo xula sharci dejiyayaasha Baarlamaanka 11-aad.

Mr.Farmaajo ayaa xiligaan muujiyay inuu debacsanaan muujiyay dhamaan qodobadii la isku hayay, wuxuuna quudareynayaa in Muddo kordhin 3-bilood ah loo oggolaado Maamulkiisa inuu ka sii shaqeeyo diyaarinta Doorashada, iyadoo Guddiyada Doorashada ee Muranka dhaliyay laga wada tashto.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya inuu Mr.Farmaajo uu oggolaaday in Xiisada Maamulka Gobolka Gedo iyo Ciidamada uu ku bedesho Kursiga HOP124 Ee Xikdhibaanada kaasoo uu iska leeyahay Xildhibaan Cabdiraxman Dheere (Shiikhal Qudhub) oo yaala Kismaayo loo soo wareejiyo Magaalada Garbagaarey, iyadoo la sheegay Madaxweynaha Jubbaland uu muujiyay inuu oggol yahay.

Sikastaba Dabacsanaantaan uu haataan la soo baxay Mr.Farmaajo ayaa loo fasiran karaa inuu ka shaqeeyey inuu wakhtiga ku dhameeyo muran, si uu halkaas uga helo muddo Kordhin (ugu yaraan 3-bilood ah) sidii maamulkii ka horeeyay isla markaasna u bareejeeyo.

85100cookie-checkDamaca Farmaajo Ee Dib U Dhaca Doorashada & Muddo Kordhinta