Yaa Fashiliyay Qorshihii Ay Wadeen Xildhibaano Qaarabo La’ah Rooble

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Qorshe ay muddo dheer si hoose u wadeen Xildhibaano, Senatoro iyo Ganacsato qaraabo la’ah Wasiirka 1-aad Ee Xil gaarsiinta ayna ku doonaayeen iney awood ugu yeelaan si uu kaalintiisa uga qaato ayaa ugu dambeyntii fashil ku soo dhamaaday….

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com u xaqiijiyay in Xubnahaan oo si iskood ah isku abaabulay qaarkood lagu yaqiinay iney ka tirsan yihiin Mucaaradka, ayaa qorsheeyay in Mr.Rooble u bedelaan xiligaan kala guurka ah Ra’iisul wasaare awood leh oo la xisaabtami kara ama awooda la qeybsan kara Farmaajo, si talada Khilaafka Doorashada uu go’aan uga gaaro.

Isku daygaan ayaa soo idlaaday saacadihii hore 5-tii Bishaan February, kadib markii uu intii uu socday Kulankii Midowga Musharixiinta uu Caddeystay in laga hagaayay Villa Somalia isla markaasna farsiimo (Massegge-yo) loo soo diraayay si loo tusaaleeyo talaabooyinka uu qaadaayo.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Mr.Rooble uu ka amar qaato Agaasimaha NISA Adeege Fahad Yasin, talaabadaan ayaa meesha ka saareysa in Shaqsigaan uu noqon karo mid awooda inuu Xilka uu ku metelo beesha uu magaca ahaan ka soo jeedo, isla markaasna yahay mid aan go’aan iskiis gaari karin.

Ujeedada ay Guddigaan ka duulaayeen ayaa aheyd in Caasimadda aan loo horseedin in dagaal ka dhacdo qalalaasena la gelin xiliga kala guurka, balse qorshahooda Waxaa meesha ka saaray Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo oo muddo xileedkiisu dhamaaday, isagoo si toos ah ugu amray inuu joojiyo wada hadalka, ayna isaga kaliyah ah talada ka go’do.

3-da Mas’uul Ee huwan Magaca Beelaha Hawiye (Rooble, Qorqor iyo Guudlaawe) ayaa u muuqda kuwa maqaar saar ah, oo laga samray oo xal u noqon kara Xaalada adag Ee xiligaan Caasimadda ku sugan tahay, waxeyna ka door bideen in masiirkooda Siyaasadeed ku xireen Maamul Fashilmay, iyadoo xaalada taagan laga cabsi qabo iney ku celiso hubanti la’aan hadii aysan Beesha Caalamka joojin baaqyada beenta ah si dhab ahna u soo fara gelin is-mari waaga taagan.

99810cookie-checkYaa Fashiliyay Qorshihii Ay Wadeen Xildhibaano Qaarabo La’ah Rooble