Share the post "Shuruudaha laga Doonaayo Shirkadaha u Tartamaya Adeega Xujeeyda Sanadkaan oo la Shaaciyay "
Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qoraal ay soo saareen Guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023 ee uu dhawaan uu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Rooboow Cali ayeey ku xuseen shuruudaha laga rabo shirkadaha daneynaya u tartamida adeega Xujeyda Soomaaliyeed…
Qoraalka Guddigaan ayaa lagu sheegay in laga bilaabo Maanta oo Khamiis ay u furan yahay Shirkadaha doonaya iney u tartamaan adeega Xajka ee sanadkaan, islamarkaana tartanka uu ku eg yahay maalinta Axada ah ee soo socota oo ay Taariiqdu tahay 12-ka bishaan Maarso 2023.
Shirkadaha doonaya iney u tartamaan u adeegida Xujeeyda Soomaaliyeed ayay guddiga hor dhigeen iney soo buuxiyaan sharuudo dhowr iyo toban qodob ka kooban oo ay ugu horeyso in Milkiilayaasha shirkaddaha ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

