Shuruudaha Somaliland Hordhigtay Wakiilada UN-ka

Somalia news

Waxaan soo baxaaya Khilaaf muddo bilooyin ah soo jiitamaayay una dhaxeeya Mas’uuliyiinta Maamulka Hargeysa (Somaliland) Wakiilka UN-ka Ee Somalia, Khilaafkaan ayaa wuxuu salka ku hayaa Qorshaha la xiriirka Hey’adaha Qaramada Midoobay Ee ka howlgala Degeenada…

Heshiiskaan oo loogu magac dhabay (UN Sustainable Development Cooperation Framework (UNCF), iyadoo uu saameynaayo ilaa 20 Hey’adood oo Qaramada Midoobay ah Degaanada Somaliland ka hawlgala, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay hawlahoodu hadda u xaniban yihiin khilaafka ka dhex oogan Maamulka Hargeysa iyo Xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Somalia.

Hey’adaha gargaarka ee caalamiga ah ee ay Qaramada Midoobayna ka tirsan tahay ayaa lagu qiyaasaa iney degaanadaasi ku isticmaalaan dhaqaale lagu qiyaaso inta u dhaxaysa 300-400 Million US$ marka la isku daro arrimaha bani’aadanimada iyo kuwa horumarinta. Taas macnaheedu waxay tahay in Somaliland ay dhaqaale iyo mashaariic horumarineed ku waayayso marka ay muddadu sii dheeraataba. Waxa laga yaabaa in saddexdan bilood ee sannadka horraantiisa ay Somaliland khilaafkan ku lumisay dhaqaale qiyaasay ilaa 40-million US$.

Muxuu ku salaysan yahay khilaafku

Marka laga yimaaddo heshiiska iskaashiga ah ee ay Qaramada Midoobay la gashay Dawladda Federaalka Somalia kaasoo ka careysiiyay Maamulka Muuse Biixi, waxeyna u direen Xafiisyada Qaramada Midoobay Warbixin Dheer oo ka kooban 7-bog oo qoraal ah, iyagoo shuruud uga dhigay dib u soo celinta xiriirka in la la galo heshiis cusub oo u gaar ah Somaliland nidaam ahaan lagu wada shaqeeyo. Iyadoo lagu saleynaayo cadaalad dhaqaalaha gargaarka iyo Horumarinta Mashaariicda, lagana jaro Qeybaha kale Ee Somalia.

96880cookie-checkShuruudaha Somaliland Hordhigtay Wakiilada UN-ka