Share the post "Sidee looga Hortagaa Kooxaha Qowleysatada Ee Baraha Bulshada Beenta ku Faafiya.."
Maalmihii la soo dhaafay, waxaa si aan kala joogsi laheyn u socday olole si wanaagsan loo soo maareeyay kaasoo ujeedada ka dambeysa ay tahay sidii loo bunbuun lahaa warar been abuur ah oo ka soo baxay koox qowleysato ah oo u ololeeya gooni goosadka Maamulka Isaqland..
Wararka ayaa sheegaya in Kooxdani oo daaha gadaashiisa ay hageyso Dalka Imaaraadka adeegsaneysaba koox Cadaan ah kuwaasoo sandareerto lagu siiyo sidii Wararka Been abuurka run loogu ekeysiin lahaa. Waxay ku haminayaan in Madaxweynaha la doortay ee USA uu ku dhaqaaqo inuu aqoonsado Maamulka Somaliland, iyagoo ka duulaya xurfuta Mr.Trump kala dhaxeyso iyo Xildhibaanad Ilhaan Cumar si loo soo jeediyo dareenkiisa iyo malaha falkiisa.
Howshaan oo dhami waa qamaar siyaasadeed been lagu hagay, iyadoo ay soo abaabuleen Kooxo Mareykan iyo UK u dhashay kuwaasoo hafadkoodi yahay in la jawhareeriyo Shacbiga Soomaaliyeed, waana muhiim in laga hortago, Dhab-ahaantii Wararkaan malahan oo kaliyah hal il oo lagu kalsoonaan karo oo aan ka ahayn kuwa u ololeeya faafinta dacaayada iyo been abuurka dhaqaalena lagu siiyo.
Ololahaan ayaa ku dhisan baafinta wararka been abuurka si loo qaldo Rayiga Caalamiga iyo kan Shacbiga Soomaaliyeed, Run ahaantii waa hal nuqul & qaab Copy & Past loo isticmaalay xaqiiqdana ka fog loona baahan yahay in aan lagu sirmin si wadajir ahna looga hortago Dacaada raqiiska ah.