Digiino Laga Soo Saaray Meel Marinta Sharciga Jinsiga & Xadgudubyada Galmada

Somalia news

Magaalada Muqdisho waxaa si hoose uga socday kulan looga hadlay tacadiyada la xiriira galmada xilliyada colaadaha, iyadoo rag iyo dumar ka kala socday ururada bulshada rayidka ah ee Somalia ay ku baaqeen in dhinacyada ay khuseyso lagala xisaabtamo xadgudubyada galmada, iyo in dowladdu ay meel mariso sharciga dambiyada galmada.

Kulamadaan miwduucaan looga hadlaayo ayaa waxaa daaha gadaashiisa ka riixaya UN-ka iyo EU-da, waxeyna wadaan culeysyo ay ku saarayaan Gudoonka Baarlamaanka iyo Dowladda Federaalka in la ansixiyo Sharci qabyo ah oo la soo diyaariyay kana hadlaaya xadgudubyada Galmada iyo tan jinsiga.

Dhanka kale Sheekh Rashiid Cali oo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa qeylo dhaan ka soo saaray in 106-Qof ay u xiran yihiin dembiyada Qomu luudnimo, wuxuuna ku eedeeyay iney Hey’adaha UN-ka iyo EU-da in Dowladda Xasan Sheekh iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iney ansixiyaan Sharcigaan oo oggolaanaya iney Ragga isu tagi karaan sido kale Dumarkana loo oggolaado iney isu tagaan.

Talaabooyinkaan ayaa u muuqda duulaan lagu soo qaaday Sharafka iyo Karaamada Diinta Islaamka, iyadoo ujeedada ka dambeysa ay tahay sidoo Dhaqanka suubaan ee Soomaalida loo bedelo, Waxaana soo shaac baxaay digniino la xiriira in aan lagu drg degin arrimahaan xasaasiga ah kuwaasoo horseedi kara dhiig ku daata fursadna siin kara Kooxaha argagixisada iney dib u soo noolaadaan.

227420cookie-checkDigiino Laga Soo Saaray Meel Marinta Sharciga Jinsiga & Xadgudubyada Galmada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com