Siyaasiyiin Ku Mashquulsan Xalinta Khilaaf u Dhaxeeya Deni & Qorqor

Somalia news

 Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dadaalo loogu kala dab qaadaayo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland, kuwaasoo Khilaaf Xoogan soo kala dhex galay tan intii uu Qorqor u cad ula saftay Mr.Farmaajo, isla markaasna balans badan iyo heshiis to uga baxay Mr.Saciid Dani….

Xogtaan Ayaa tilmaamtay in Dhinacyada Dadaalada wada ay doonaayaan in la dhameeyo Xurgufta u dhaxeeya Labada Mas’u ka hor inta aan la qaban shirka Teendhada Afisioni, waxaana la sheegay in Madaxweynaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe uu qeyb ka yahay kaasoo lagu wado inuu maanta la kulmo Mr.Qorqor.

Qoor-Qoor ayaa horey uga carooday hadalkii Siciid Deni ka jeediyey Garoowe bishii Feb ee laga soo gudbay, kaas oo uu wax badan kaga sheegay dhigiisa Galmudug iyo Farmaajo, dadaaladaan ayaa ku soo beegmay iyadoo Wakiilada Beesha Caalamka ay si gaabis ah u wadaan qorshe lagu kula doonaayo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada si loogu heshiis iyo Doorasho dadban oo wada oggol ah.

102600cookie-checkSiyaasiyiin Ku Mashquulsan Xalinta Khilaaf u Dhaxeeya Deni & Qorqor