Macluumaad Laga Helay 2-Nin ee U Shaqeynaayay Xafiiska EU-da Ee Somalia..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Dawladda Federaalka oo shalay sheegtay iney Dalka ka cayrisay Laba nin oo u kala dhashay Jarmalka iyo Poland, kuwaasoo lagu kala magacabo Jocek Jozef Ochman iyo Ralf Bernhard Gehlig, balse u Shaqeynaayay Xafiiska EU-Da faraceeda Somalia…

Xogtaan ayaa sheegtay inkastoo ayaan Dawladdu rasmi ah u sheegin sababta raggaas looga cayriyey dalka, hase yeeshee baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in labadan sarkaal ay u shaqeeyaan Xafiiska Midowga Yurub ee dhismaha kartida Hay’adaha Dawladda loona yaqaan EUCAP Somalia.

Iyadoo Labada Nin cayrintoodu ay la xiriirtaa Kiiska Kalluumaysato ja soo jeeda Dalka Iran oo tiradoodu dhan tahay 36 oo ku xiran xarunta Ciidamada Boliiska ilaalada xeebaha Somalia, Maxaabiista iyo laba doonyood oo ay la socdeen ayaa lasoo qabtay bishii Abriil, iyagoo ku sugnaa xeebaha maamul goboleedka Galmudug, waxaana loo haystaa inay si sharci darro ah uga kaluumaysanayeen xeebaha Dalka.

Wararka ayaa sheegay in codsi ka mid Xafiiska Xeer ilaalintu una gudbiyey Wasaaradda Arirmaha Dibedda kaasoo uu kaga codsanayey in labadan nin Wadanka laga saaro, wuxuuna ku eedeeyay Labada Sarkaal iney si qarsoodi aha sawiro uga qaadeen maxaabiis ku xiran goob ciidan.

Xeer Ilaaliyaha ayaa codsigiisa ku sababeeyay in Mas’uuliyiintaan ay leeyihiin xasaanad oo aan lagu dhaqaajin karin dacwad ciqaabeed, sidaa sdarteedna loo baahan yahay inay dalka ka caryriso..

256360cookie-checkMacluumaad Laga Helay 2-Nin ee U Shaqeynaayay Xafiiska EU-da Ee Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com