Ma Dhabaa in Ilaalada Wasiirka 1-aad ay Rasaas la Beegsadeen Taageerayaal Ciyaartii Gobolada..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Taageerayaal xamaasadeysan oo shalay doonayay iney gudaha u galaan Garoonka Stadium Mogadishu oo laga daah furaysy Ciyaarihii Maamul-Goboleedyada ay Ilaalada Wasiirka 1-aad rasaas la beegsadeen kana dhasheen dhaawacyo iyo isbuursi..

Wararka ayaa sheegay in Gudaha Garoonka xiligaasi ay ku sugnaayeen tiro yar, iyadoo Dadku (Taageerayaashu) ay buux dhaafiyeen banaanka hore waxaana kala badan dadka soo xaadiray iyo goobaha Tikidka laga iibsanayo, Waxa gabi ahaanba shaqayn waayay App Wasaarada Ciyaaraha ay sheegtay in laga daawan doono cayaaraha Gobolka Banaadir iyo Maaamul goboleedyada sabab la xiriirta nidaam xumo liita.

Mas’uuliyiinta Wasaarada Ciyaaraha ayaa lagu dhaliilay habka ay u maaraynayso Ciyaaraha Maamulada Gobolada iyo Gobolka Banaadir oo hab-maamuskiisu hooseeyay, iyadoo Wasiirka 1-aad Mr.Xamse Cabdi oo furay Ciyaaraha ay ilaaladiisu oo ay ku adkaatay in gudaha ay galiyaan bilaabay in rasaas ay ku furaan taageeriyaal kumaan gaaraya oo ku sugnaa banaanka Garoonka.

War-saxaafadeed ay soo saareen Guddiga qabanqaabada Ciyaaraha Gobolada ee Xiriirka Kubada Cagta iyo Wasaarada Ciyaaraha ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay muddi 2-maalmood ah, waxaana lagu sababeeyay Dhibaatooyinkiibka dhashay Ciyaartii shalay ee furitaanka, iyadoo Ciyaarta Benadir-Konfur galbeed la ciyaari doono 1-da Jenaayo 2024-ka.

296900cookie-checkMa Dhabaa in Ilaalada Wasiirka 1-aad ay Rasaas la Beegsadeen Taageerayaal Ciyaartii Gobolada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com