Argagixisada Shabaabka oo lagu Eedeeyay iney si Bareer ah u Barakicinayaan Dadka Rayidka ah 

Somalia news

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa qeyli dhaan ka soo saaray Farsamo cusub oo Horjoogayaasha kooxda Argagixisada Shababka ku eedeeyeen iney si ula kac ah Dadka Rayidka ah uga barakiciyeen tuulooyin iyo Magaalooyin ay ka qabsadeen  Ciidamada iyo kuwa degaanka ee Macaawisleyda…

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay, in Istaraatiijiyada kooxda argagixisada ay tahay sidii looga hortagi lahaa inay dadku xiriir la yeeshaan oo la shaqeeyaan Dowladda, Shabaabka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay billaabeen afduubshada qoysaska Xoogaga Macaawisleyda ee iskood isku abaabulay ee dagaalka kula jira kooxda argagixisada.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay iney kooxda shabaab kala wareegeen ku dhawaad 70 degaan, Magaaladii ugu dambeysay ee weyn ee lagala wareego waxay ahayd Aadan Yabaal oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, Badi degaannada laga saaray Alshabaab waa faaruq ah, waxaana u sabab ah kaddib markii sgababku ay horey usii kaxayaysteen dadkii shacabka ahaa.

231670cookie-checkArgagixisada Shabaabka oo lagu Eedeeyay iney si Bareer ah u Barakicinayaan Dadka Rayidka ah 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com