Kadib markii ay soo saareen Xukunka Kiiska Badda ee u dhaxeeyay Somalia & Kenya, ayaa waxaa si yaabo kala duwan uga hadlay Go’aanka Mas’uuliyiinta Dowladaha Kenya & Somalia kuwaasoo midna soo dhoweeyay midna si adag uga horyimid Xukunka Xeer-beegta Maxkamada ICJ…
Farmaajo ayaa ku eedeeyay Dowladda Kenya iney muddo 4-sano ah fara gelin Siyaasadeed Arrimaha gudaha iyo Culeys saar Ciidan ku heysay Maamulkiisa si loogu qasbo Dowladda Federaalka iney dib ula noqoto Dacwada Muranka xuduuda Badda, kadib markii ay Kenya ku guuleysan weysay cadaadiskaasi waxay bilaawday inay xad-gudub toos ah ku sameyso qaranimadeena,” ayuu yiri Farmaajo.
Farmaajo ayaa u mahadceliyey maxkmadda ICJ, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay aqbashay go’aanka Maxkamadda, waxuuna Kenya ka dalbaday in u hoggaansanto go’aankaan, isla markaana ay u qaadato fursad lagu xoojin karo xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Jawaab uu ka soo saaray Xukunka Madaxweynaha Dowladda Kenya Mr.Uhuruu Kenyatta ayaa ku gacan seyray Go’aanka Maxkamada ICJ, isagoo wacad ku maray inuu ilaalin doono dhulka iyo biyaha Dalka Kenya, wuxuu intaasi raaciyay “Inuusan la yaabin Go’aanka Maxkamada, hadana waxaan ka welwel qabaa saameynta uu ku yeelan karo Gobolka geeska Africa”.