Madaxweynaha Oo Kulan la qaatay Qaar ka mid ah Ganacsatada Dalka

Somalia news

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Mudane Xasan Sheekh ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed, wuxuuna kala arrinsaday iskaashiyada ganacsi ee heer gobol iyo kobcinta maalgashiga Dalka, iyo sidii Tartan furan u noqon lahaa Wax kala iibsiga Suuqyada Dalka..

Madaxweynaha ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan xoojinta maalgashiga dalka iyo wax soosaarka, isagoo ku bogaadiyey dhabar adaygga ay ku wajaheen duruufihii dhaqaale ee adkaa ee la soo maray, taas oo muujinaysa hal abuurka maalgashi iyo ganacsi ee ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed.

“Dowladdaani waxay ka shaqeyneysaa in ganacsatada loo fududeeyo dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo maalgashi, Dalkaan inuu noqdo dal dhaqaalahiisa furan yahay baan rabnaa, suuq xor ah inuu yeesho baan rabnaa, Fursadaha dalkaan ka jira meel ay Adduunka ka jiraan waa yar tahay.”

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dalka Uganda kaga qaybgali doonta Shirka Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Somalia iyo Uganda, kaasi oo ujeedkiisu yahay sare u qaadidda ganacsiga u dhexeeya labada dal, iyada oo ganacsatada Somalia iyo Uganda ay ku lafo-guri doonaan fursadaha maalgashiga, ganacsiga iyo waxsoosaarka.

206400cookie-checkMadaxweynaha Oo Kulan la qaatay Qaar ka mid ah Ganacsatada Dalka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com