Maxaa Ka Taqaan Madaxa ID Dowlada

Somalia news

Wasiirka 1-aad ee Maamulka Fashilmay ee Farmaajo Oo muddo xileedkiisa gabaabsiga yahay ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabayo xilligan Maareeyaha Mashruuca Aqoonsiga Qaranka (ID Authority)…. 

Qoraal kasoo baxay xafiiska ayaa lagu yiri: ” “Mukhtar Xuseen Maxamed (Qooraansay) ayaa loo qaatay inuu noqdo Maareeyaha Mashruuca Aqoonsiga Qaranka (Managing Director for the National ID Project), si uu usoo dhiso hay’adda Aqoonsiga Qaranka (National ID Authority), isagoo kaashanaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Guddiyadii dhisnaa” .

Hadaba Waa Kuma Qooransay:-

Muqtaar Quuraansi inta aanloo magacaabin  Xilkaas culus wuxuu so noqday Madaxa Xafiiska Maamulka IT ( Information Technology), intuu xilkaas haayay wuxuu ku sifoobay MusuqMaasuq, Wax isdabamarin & Qabyaalad. Ka horna Wuxuuna Qaxooti u ahaa Dalka Norway, iyadoo uu booskaasi u qalqaaliyay Wadaadka Eritrean-ka ee Sheekh Maxamed Idirs oo ka hadlay Mr.Farmaajo iyo Adeege Fahad.

Wadahadal dhaxmaray Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin & Sheikh Mohamed Idir ayaa saamaxday in Muqtaar Quuraansi si sharafkiisa lasoo celiyo loona beeniyo Warbixintii Hanti Dhowrka Qaranka 2019  uu kacadeeyay in laMusuq Maasuqa Maaliyada NISA.

Waxaa jiray isku dayo la doonaayay in Xilka Agaasimaha guud ee Wasaarada Gashandhigga loogu magacaabo hase yeeshee lagu guuldareystay, kadib dacaayado kooban ee uu baraha Bulshada ku faafiyay Mr.Idiris, ayaa loo oggolaaday in Mr.Qooraansi loo magacaabo Agaasimaha ID Dowlada.

Jagadaan ayaa Waxaa 3-sii sano ee u dambeysay Hayay Agaasimaha Madaxtooyada Mr.Nuur Fursade, Waxaana Mashruuca iibinta Dukumentiyada ID Card Qandaraas lagu siiyay Wiilka Qaba Gabadha Madaxweynaha Oo Shirkad India ah la galay Qandaras.

46370cookie-checkMaxaa Ka Taqaan Madaxa ID Dowlada