Somalia Oo Codsatay In La Kala Diro Guddiga Ka Hortagga Burcada

Somalia news

Dowladda Somalia ayaa Golaha Amaanka Qaramada Midoobay u gudbisay qoraal kula hadlaaya in la kala diro guddiga xiriirka ka hortaga Burcad badeedka Somalia, kadib markii aan saddaxdii sano la soo dhaafay aan dalka laga diiwaan galin kiis afduub ee xeebaha dalka….

Gudigaan oo la asaasay in kabadan toban sano kahor, ayaa ujeedkiisu ahaa guddi wargelin iyo xiriirnta hawlaha la xiriira ee xeebaha Somalia, waxaana sanadkii 2008 qaraar ay soo saareen Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay lagu hirgeliyay guddigan, maadaama xilligaas ay xeebaha Dalka aad ugu badnaayen falalka burcad badeednimada.

” Sida qorshahu ahaa dhaqaalaha ku baxa guddiga waxaa ka mid ahaa in gudaha Somalia laga dhiso xabsiyo iyo maxkamado lagu qaado dacwadaha dadka loo soo qabto kiisaska burcad badeeda hase ahaate waxa ay ka dhiseen dalalka Kenya Tanzania iyo Seychelles, waana sababta dowladda Somalia ay u doonayso in meesha la taagan yahay laga gudbo” ayuu yiri Danjire abuukar Baalle.

Danjiraha Qaramada midoobay u fadhiya Soomaaliya Mr.Abuukar Daahir Cismaan (Baalle), waxaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqaynayso sidii loo joojin lahaa kalluumaysiga sharci darrada ah oo Maraakiibta shisheeye ku hayaan gudaha dalka kuwa ku shuba wasaqda iyo sidii ay dowladda Soomaaliyeed awood ugu yeelan lahayd qaadista dacwadaha xeebadaha dalka ay u qaadi lahayd.

77090cookie-checkSomalia Oo Codsatay In La Kala Diro Guddiga Ka Hortagga Burcada