Maamulka Villa Somalia Oo Lagu Eedeeyay Talaabooyin Sharciga Baalmarsan

Somalia news

Maamulka Fashilmay ee Farmaajo oo muddo xileedkeedu ka harsan tahay 5-bilood iyo 8-maalmood ayaa ku amaray Gole Wasiiro oo Sharci darro ku dhisan KMG ah, ayaa ansixyay 5-xubnood oo ka mid noqonaaya Guddiga Adeega Garsoorka, waxeyna ka mid ahaayen Shuruuc Shalay ay Golaha Wasiirada ansixiyeen….

Hadaba Waxaa is-weeydiin mudan Sharci ahaan Gole Wasiiro Oo KMG ah miyeey ansixin karaan Guddiga Adeega Garsoorka Dalka Oo ah Hey’adda ugu sareysa Garsoorka  Dalka, iyadoo muddo 3-sano iyo bar lagu guuldareystay in la dhiso Maxkamadda Dastuuriga Dalka (9-xubnood).

Dastuurka KMG ah, ayaa awood u siinaaya Madaxweynaha inuu soo magacaabo 3-xubnood oo ka mid ah Guddiga Adeege Garsoorka Dalka, kuwaasoo xushmad Ku leh Bulshada dhexdeeda, kadib talo Soo jeedinta Golaha Wasiirada, halka 2-xubnood ay magacaabayaan Golaha Garyaqaanada Soomaaliyeed, Waxaa kaloo ka mid noqonaaya Gudoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga (Oo aan dhisneyn), Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garyaqaanka Guud.

Waxaa muuqata ku tumashada Sharciga iyo Dastuurka KMG ah ee Dalka u degsan ee uu joogto ka dhigtay Maamulka Fashilmay ee Farmaajo, isagoo ku amray iney Golaha Wasiirada Soo gudbiyaan 5-ta xubnood ee adeega Garsoorka Dalka, Shanta Xubnood oo ay magacawday Xukuumadda Xilka siihaysa ma aha Xubno buuxiyay Shuruudaha Ku xusan qoddobka 8aad ee sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka.

Xukuumadda Xilka siihaysa shaqadeedu waa sii wadidda hawlihii horay Xukumaddu u bilawday inta aan lagala noqon kalsoonida’ Xukumad aan kalsoonida barlamaanka haysan ma magacaabi karto golayaal cusub mana keeni karto wax ka duwan hawlihii horay u socday sida laga fahmaayo micnaha qoddobka 103aad ee Dastuurka.

51280cookie-checkMaamulka Villa Somalia Oo Lagu Eedeeyay Talaabooyin Sharciga Baalmarsan