Somalia Oo Dhibane U Ah Dagaalada USA & Iiran

Somalia news

Macluumaad hordhaca oo laga helay Ilo wareedyo aan la xaqiijin karin ayaa tilmaamaya in Unugyo sirdoon oo Ciidamada Dalka Iiran ka tirsan ay ku sugan yihiin Konfurta Dalka, iyadoo la sheegay iney wada shaqeyn la leeyihiin Kooxda Argagixisada ee Shabaabka….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u sheegtay in laba qeybood oo ka tirsan Ciidamada Qudus iyo kuwa Sirdoonka Ciidamada ay dhowaan soo gaareen Konfurta Somalia, iyagoo Shixnad Hub iyo Saanad u badan Rasaas iyo Walxaha qarxa ka dejiyay dekad macmal ah oo ay maamulaan Kooxda Shabaabka,

Dalka Iiran ayaa sanadihii ugu dambeeyay wuxuu sare u qaaday sidii saameyn iyo iskaashi ula yeelan lahaa Kooxaha argagixisada ee ka howlgala Dalalka Greeks Africa Gaar ahaan Somalia, iyadoo ka dhisay Kooxo ungyo u gudbiya Xogaha Ciidamada Mareykanka ee fariisimada ku leh Somalia iyo Kenya, Sidoo kale waxey ka yegleeleen dhisida kooxo Shiico ah oo iyaga taabacsan, Dhaqaale badan ku bixiya.

Somalia Oo ka mid ah Dalalka ay naafeeyeen dagaalada sokeeye, isla markaasna ka soo kabanaaya diiftii ay ku reebtay, ayaa noqday mid u nugul dagaalada aan tooska aheyn ee u dhaxeeya Dalalka Mareykanka iyo Iiran, iyagoo adeegsanaaya Dowlada Federaalka iyo Kooxaha argagixisada.

48780cookie-checkSomalia Oo Dhibane U Ah Dagaalada USA & Iiran