Daadad ku soo Rogmaday Magaalada B/weyne Kaasoo Sababay Barakac Baahsan..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ayaa sheegaya in Roobab mahiigaan ah oo Xalay ka da’ay Gudaha iyo Daafaha Magaalada ayaa sababay in guryahooda ay ka barakacaan tiro Qoysas ah oo farabadan oo daganaa Xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako…

Dadka degan Xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako, gaar ahaan Laamaha Kutiimbo iyo Dhagax jibis ayaa Xalay saqdii dhaxe mar qura kusoo toosay guryaha oo ay u dhex ceegagaan biyo aad u fara badan, waxaana dadkaasi gurmad biyaha looga samata bixiyay u sameeyay dhalinyarada Magaalada.

Xaalada ayaa waxay sii adkaatay markii daadadka soo rogmaday roobka ay waaweyn meel ay ka galaan Wabiga madaama kanaalka biya xireenka kiliga Dhagax jibis oo loogu tala galay biyaha daadka kasoo rogmada iney wabiga ku xareeyaan uu ahaa mid xirna, hayeeshee waqti dambe oo ay daadku dadku barakaciyeen lagu guuleystay in la furo irdaha kanaalka Dhagax jibis.

Si kastaba ha ahaatee daadkan ka dhashay roobabka Xalay waqtiga badan da’ay ayaa sii kordhinaya cabsida ay Shacabka ku dhaqan magaalada Baledweyne ka qabaan inuu fatahaad ka geysto wabiga Shabeelle gudaha magaalada Baledweyne, iyadoo Dhulka Buuraha Ethiopia ay biyo badan laga soo sheegaayo.

283110cookie-checkDaadad ku soo Rogmaday Magaalada B/weyne Kaasoo Sababay Barakac Baahsan..