Milkiilaha Astaan-TV Oo Xabsiga La Dhigay

Somalia news

Xoogaga amaanka ee Maamulka Muuse Biixi ayaa xalay xabsiga dhigay Milkiilaha Astaan TV Mr.Cabdi Manaan Yuusuf, iyadoo laga qabtay magaalada Hargeysa, xili uu ku sugnaa Hoteel ku yaal magaalada…

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in Xubno ka tirsan Xoogaga Amaanka ee Maamulka gooni goosadka ee Somaliland ayaa la sheegay iney Hoteelkii uu deganaa kala baxeen ninkan oo ah ganacsade dhalinyaro ah, Si dhab ah looma oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa xarigiisa, waxaase socda dadaalo lagu sii deynayo oo ay wadaan xubno kamid ah ururka Solja ee suxufiyiinta Somaliland.

Mr.Manaan waxa uu Hargeysa u tegay howlo la xiriira xarunta Astaan TV ee Somaliland, iyadoo aaney wali jirin wax war ah oo Somaliland ka soo saartay xariga Mas’uulkaan.

48730cookie-checkMilkiilaha Astaan-TV Oo Xabsiga La Dhigay