Share the post "Somalia Oo Digniin Adag Ka Soo Saartay Heshiiska Shidaal Ee Taiwan & Somaliland"
Dalka Somalia ayaa Digniin adag ka soo saaray Heshiis baaris Shidaal Oo u dhaxeeya Shirkad laga leeyahay Taiwan (CPC) & Maamulka Gooni goosadka Waqooyiga Dalka Somalia, heshiiskaan ay Wada gaareen dhinacyadaan ayaa lagu tilmaamay mid sharci darro ah…
Danjiraha Somalia u fadhiya Dalka China Mr.Cawaale Kulane Oo wareysi siiyay Warbaahinta ayaa sheegay Heshiiska ay Wada gaareen Shirkadaha CPC Taiwan & Genel Energy PLC oo laga leeyahay Dalka UK kuna aadan iney 49% ka helaan SL10B13 ee Degaanada Somaliland uu yahay mid been abuur ah.
“Waxaan u aragnaa in Heshiiskaan uu yahay mid aan waxba ka jirin Oo bern abuur ah, mana oggolaaneyno in Kheyraadka Dalka ay dhacaan Falaaga Taiwan ama cid kale, iyadoo loo maraayo heshiis aan sharciyad heysan oo si been ah loo soo dhoodhoobay, wuxuuna digniin adag u jeediyay Shirkadaha howlahaan faraha kula jira”.