Rooble Oo Magacaabay Guddi Soo Qiimeeya Degmada Garbahaarey

Somalia news

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mr.Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi soo qiimeeya xaaladda Deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarey ee Gobolka Gedo…

Guddigan ayaa qeyb ka ahaa go’aanadii ay 24 bishan Febraayo gaareen Golaha Wadatashiga Qaran, kaddib markii uu fashilmay jadwalkii doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS, ee ku ekaa 25, Febraayo.

Jubbaland ayaa dhawaan sheegtay in aysan doorasho ka dhici karin magaalada Garbaharrey, maadama ay weli gacanta ugu jirto magaaladu Maamul ka amar qaatay Maamulka Fashilmay ee Farmaajo.

172090cookie-checkRooble Oo Magacaabay Guddi Soo Qiimeeya Degmada Garbahaarey