Share the post "Somalia oo Go’aan la yaab leh mar kale ka qaadatay Codeynta Qarar dhan ka ah Ruushka "
Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa shalay u codeeyey qaraar uu Maraykanku riixayey oo Dalka Ruushka looga hakiyay howlaha Golaha Xuquuqul Insaanka QM, kaddib markii lagu eedeeyey dembiyo dagaal oo ka dhacay Dalka Ukraine…
Wararka ayaa sheegay in Codaynta ay u dhacday sidatan 93-24, iyadoo ay 58 Dal ka aamuseen, waxaa sidoo kale la meel mariyey qaraar dalbanaya xabbad joojin iyo inay ciidamada Ruushku halkaa ka baxaan, sida ka muuqata codaynta Dalka Somalia oo horayna uga maqnaa codayn ka dhacday Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM oo uu xubin wareegta ka yahay ayaan sidoo kale maantana codayn.
Dalka Somalia walow aysan ka qeyb qaadan codeynta diidmo iyo yeelidba misna ma aamusin sida ay yeeleen 58 dal oo ka tirsan Golaha Guud balse taa baddaalkeeda way maqnayd gebi ahaanba.