Xil Ka Qaadista Taliyayaasha Ciidamada & Guuxa Ku Xeeran

Somalia news

Waxaa soo baxaya guux ku saabsan inuu jiro is bedel qaar ka mid ah Taliyeyaasha Ciidanka dowladda, gaar ahaan Taliyaha Ciidamada Boliiska oo ilo wareedyo ay sheegayaan in loo soo wado Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo xiligaan ah Agaasimaha Hey’adda Dhismaha…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Boliiska Xijaar in lagu qanciyay inuu doonto Senetar Aqalka Sare, kana soo galo Gobolka uu ka soo jeedo ee Sool, Sidoo kale Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin ayaa iyana wararku sheegayaan inuu xilka baneynayo, si uu isna u doonto Xildhibaan Golaha Shacabka, gaar ahaan Kursiga uu ku fadhiyo Xildhibaan Faarax C/qaadir oo muddo damac ugu jiray inuu qaato.

Fahad Yaasiin ayaa la sheegayaa in sababaha uu kursiga Xildhibaan ee Golaha Shacabka u rabo ay tahay inuu helo xasaanad afarta sano ee soo socoto, isagoo iyo Farmaajo oo lagu eedeynaayo iney Ciidamada Dowladda u direen iney ka dagaalamaan Gobolka Tigray ee Federaalka Ethiopia.

Waxaa Weli mugdi ku jira in Xilalka laga qaado Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka iyo Taliyaha Ciidamada Lugta kuwaasoo ku saameyn iyo ka qeyb qaadashi ku lahaa Dagaaladii ka dhacay Magaalada Mogadishu, Ee looga hor tagay muddo Kordhinta sharci darrada aheyd Ee ay Xildhibaanada iyo Farmaajo wada gaareen.

123570cookie-checkXil Ka Qaadista Taliyayaasha Ciidamada & Guuxa Ku Xeeran