Deni Oo Raali-Gelin ka Siiyay Beeshii iska laheyd Boobkii uu Ku Sameeyay Kuraastii Xildhibaanada Federaalka…

Somalia news

Madaxweynaha Puntland oo muddo xileedkiisu bilo ka hareen isla markaasna muddo maalmo ah ku sugan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa Beesha Iska laheyd Kuraastii Xildhibaanada Federaalka ee uu Boobka ku sameeyay ayaa raali gelin dhameystiran ka siiyay…

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in Fariinta uu Mr.Dani la shir tagay ayuu ku micneeyay “Kulanka Anigaa dalbaday, waxaana idiinku yeeray inaan ka soo hoydo Boobkii Kuraasta Beesha Cumar Maxamuud, Tixgelin la’aanta Dhaqanka Beesha iyo weerarkii khasaaraha dhaliyay ee Beerta Ganacsadaha, waxaan idiin wadaa Xaal iyo raali gelin inaad aqbashaana waa rajeynayaa”.

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Jawaabta Isimada iyo Odayaasha Dhaqanka ee ku dhacday dhegaha Mr.Deni ayaa nuxurkeedu lagu fasiray 4-Qodobo oo ay ugu horeyso:-

-Muddo kordhin ineysan taageersaneyn

-Iney Aqbaleen ka Garaabida Boobka Kuraasta.

-Wwxey ka digeen in Doorashada Golayaasha Degaanka ee aan Heshiiska lagu aheyn Hab-raacooda iyo natiijada ka dhalan karta.

-Doorashada Xilka Madaxweynaha oo loo balansan yahay 08-Jen-2024-ta wakhtigeeda lagu qabto.

Mr.Dani Oo xiligaan wajahaaya Go’doon Siyaasadeed, isla markaasna joojiyay wada shaqeyntii kala dhaxeysay Dowladda Federaalka, ayaa doonaaya inuu Kaarka qabashada Doorashooyinka Golayaasha Degaanka ku raadsado muddo korarsi si uu mar kale jaanis ugu helo inuu u tartamo Doorashada Madaxtinimada Somalia Sanadka 2026-ka.

255730cookie-checkDeni Oo Raali-Gelin ka Siiyay Beeshii iska laheyd Boobkii uu Ku Sameeyay Kuraastii Xildhibaanada Federaalka…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com