Dowlada Somalia ayaa u soo jeedisay Dowlada Mareykanka inuu Howlgaladiisa Ka dhanka ah Kooxda Xuutiyiinta iney u adeegsan karaan Tiro Dekadaha Dalka, xilli Amaanka Baddaha Red sea iyo Arabian sea ay noqodeen goob ay ku hardamaan Ciidamada Mareykanka Kooxda Xuutiyiinta iyo Dalka Iran…
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Somalia, Cali Maxamed Cumar ‘Cali Balcad’, oo lagu wareystay barnaamijka One on One ee ka baxa warbaahinta TRT World, ayaa xaqiijiyay in ay Maraykanka u soo bandhigeen isticmaalka dekedahan, Sida uu xusay Wasiir Cali Balcad, Dowlada Federaalka waxay Maraykanka ka codsatay in dib loo cusbooneysiiyo heshiis ay Somalia iyo Maraykanku gaadheen 1980-dii, kaasoo u ogolaanayay Washington iney adeegsadaan dekedahan iyo garoonka milatariga ee magaalada Berbera.
Warbaahinta Maraykanka ayaa dhowaan baahisay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu warqad u diray Madaxweyne Donald Trump, taasoo uu kaga codsaday in Washington ay la wareegto maamulka dekedaha iyo garoomada Berbera iyo Boosaaso, si loogu fududeeyo dagaalka dhanka ka sh Kooxda Xuutiyiinta