Somalia & UAE Oo Heshiis Is-Afgarad ah Gaaray

Somalia news

Kadib markii markii ku dhowaad 4-sano uu xiriirkii u dhaxeeyay Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka Carabta uu gaaray heerkii ugu hooseeyay, ayaa haatan Waxaa la soo warinayaa iney kala saxiixdeen heshiis ku saabsan is-dhaafsiga Xogaha, la-Dagaalka ka Dhaqida Lacagaha iyo Maalgelinta argagixisada…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Heshiiskaan ay qalinka ku wada duugeen Agaasimaha Xafiiska Warbixinada Wasaarada Maaliyada (🇸🇴), Madaxa Waaxda Sirdoonka Maaliyada Ee (🇦🇪) iyo Madax Waaxda Xogaha ee Dalka Bangladesh (🇧🇩), Sida ku xusan warbixinta Ayaan lagu soo bandhigin aragtida ay labada dowladood ka qabaan is-fahamkaan.

https://www.wam.ae/en/details/1395302940977

“ Heshiisyadaan aanu la galnay Somalia (FCR) iyo Bangladesh (FIU), waxey dib u soo celinayaan dadaalkeena si aanu u fududeyno is-weydaarsiga xogaha iyo khibrada Ee la-Dagaalka ka dhaqida lacagaha (Money Laundry) iyo maalgelinta Argagixisada” ayuu yiri Ba’Alwi, sidoo kale Wakiilka UN-ka Ee Somalia iyo Danjiraha UAE ayaa ku kulmay Magaalada Mogadishu.

123210cookie-checkSomalia & UAE Oo Heshiis Is-Afgarad ah Gaaray