Xubno Ganacsato Ah Oo Maxkamada Ciidan La Soo Taagay

Somalia news

Maxkamada Ciidamada ee Derajada 1-aad Ee Magaalada Mogadishu ayaa maantay bilaawday dhageysiga Dacwad ka dhan ah Xubno Ganacsato ah oo la la xiriiriyay iney gacan saar la leeyihiin Kooxda argagixisada Shababka, kuwaasoo lagu soo oogay eedeymo culus…

Ganacsatadaan oo tiradoodu gaareyso 7-xubnood, ayaa laba ka mid ah ay maqan yihiin, waxaana ku jira Horjoogahooda oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cusmaan Maxamed alias “Tuutaale”, Eedeysanayaashaan ayaa lagu kala magacaabaa:-

-Cabdisalan Cali Faarax

-Khadar Cabdisalaan Maxamed

-Maxamed Cabdi Sh.Cumar

-Daahir Cusmaan Maxamed

-Cabdisalaan Cusmaan Maxamed

Shaqsiyaadka ayaa lagu soo eedeeyay iney Dekada Magaalada Mogadishu ka soo dejiyeen Maadooyinka laga farsameeyo Qaraxyada, waxaana ka mid ahaa MPK oo loo isticmaalo bacrinta Beeraha iyo Mashiinada lagu jarjaro biraha, Eedeysane Cabdisalaan ayaa Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada ku eedeysay inuu si gaar ah u qaabilsanaa hubinta tayada maadooyinka halka Eedeysane Khadar oo Dalka China ka soo dhoofin jiray.

-Daahir Cusmaan Maxamed-Cabdisalaan Cusmaan Maxamed

123160cookie-checkXubno Ganacsato Ah Oo Maxkamada Ciidan La Soo Taagay