Soomaali Ku Geeriyootay Xabsi Ku Yaal Caasimadda Yemen

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar Gantaalo ah oo ay ku duqeeyeen Falaagada Xuutiyiinta dagaalada ka wada Dalka Yemen xabsi ay ku jireen Boqolaal Muhaajiriin ah oo u badan Ethiopian iyo Somali, iyadoo la sheegay in khasaare balaaran oo isugu jira Dhimasho iyo Dhaawacyo ay Maxaabiistaasi ka soo gaareen….

Sarkaal u hadlay Falaagada Xuutiyiinta ayaa qirtay iney iyagu weerarka ku qaadeen Xabsigaasi oo ku yaal Magaalada Sanca, isagoo xusay inuu si khalad ah u dhacay Weerarkaasi ayna ka qoomameeyeen, wuxuu sheegay in 44-qof ay ku dhinteen 190-qof ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen weerarka Gantaalka.

Wakiilka UN-ka Ee Dalka Yemen ayaa sheegay in wadarta guud Ee Soomaalida ku jirtay Xabsigaasi ay ahaayeen 31-qof, 9-qof ay geeyeen Xarunta Jaaliyada Soomaalida, 2-kale ay dhaawacmeen, weerarkaan ayaa dhacay horaantii bishaan Maarso 2021, waxaana lagu Eedeeyay in falkaan si bareer ay u geysteen Maleeshiyaadka Xuutiyiinta oo gacanta ku haya Magaalada Sanca.

Dalka Yemen oo sanadihii ugu dambeeyay ay ku hardmaayeen Jabhada Xuutiyiinta oo taageero ka hesha Dalka Iiran iyo Xulafada Sacuudiga uu hormuudka ka yahay kuwaasoo taageera Dowlad aan awood iyo saameyn badan ku laheyn Dalka Yemen, iyadoo khasaare balaaran uu soo gaaray guud ahaan Dalkaasi.

102540cookie-checkSoomaali Ku Geeriyootay Xabsi Ku Yaal Caasimadda Yemen