Wiil Yar oo Dil iyo Kufsi loogu Geystay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo (Puntland) ayaa sheegaya in qoraal ay soo saareen Agaansinka Isbitaalka Waqooyiga Gaalkacyo ayeey ku cadeeyeen in Saakay Aroortii abaarihii 05,30 AM la keenay Isbitaalka qeybta gargaarka deg deg ah Marxuum (Wiil Yar)….

Qoraalka ayaa lagu xusay in Marxuumka (Wiil yar) oo magaciisa lagu sheegay Cabdinaasir Yuusuf Jihaad oo 11-sano ahaan jiray, kaasoo Dhinaca Dhuunta ay kaga yaaliin Dhaawcyo ceejin ah iyo raad tilmaamaya in Xarig loo adeegsaday, iyadoo kufsi loogu geystay ayna go’day ningixii Dabada (Futada), Fiiri Warqada Isbitaalka).

Laamaha Amaanka ee Waqooyiga Gobolks Mudug (Puntland) ayaa sheegay iney hayaan dad ku eedeeysan kiiskan kufsiga iyo dilka ah ee loo geystay wiilka yar, ayna wadaan baaris dheeraad ah, Degaanada Maamulka Puntland ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay faraha ka baxay Dilalka iyo kufsiga loo geysto Gabdhaha iyo Wiilsha, iyadoo Maamulka Dani uu ka gaabiyay inuu xakameeyo Falalkaan.

283320cookie-checkWiil Yar oo Dil iyo Kufsi loogu Geystay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com