Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dadaalada Wakiilada Beesha Caalamka

Somalia news

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa ku guda jira dadaalkii ugu dambeeyay ugu jira qabsoomida Shirka Madaxda DFS ee muddo-xileedkeedu dhamaaday iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada, kaas oo go’aan looga gaarayo Doorashooyinka Dalka, kaasoo lagu wado inuu ka furmo xeyndaabka Teendhada Afisioni…

Sida qorshuhu yahay Shirkaan ayaa la filaayaa inuu 20-ka bishan Maarso uu ka furmo Teendhada Afisioni ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa garwadeen ka ah Wakiiladda QM, Midowga Yurub iyo Mareykanka, kuwaasoo damaanad qaadaya fulinta qodobada Madaxdu ku heshiiyaan.

Wakiillada Beesha ayaa digniin u diray Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Farmaajo, iyagoo u sheegay inuu isaga fogaado carqaladeynta Shirkan, sidoo kalena uu soo xaadiro, isla markaasna uu ka shaqeeyo sidii Doorasho dadban oo wadar oggol ah looga qaban lahaa Dalka.

Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxaa ku sugan Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle, waxaana la filayaa inuu maalmaha soo socda Muqdisho uu soo gaaro Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Maxamed Xasan Lafta-gareen.

102510cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Ee Dadaalada Wakiilada Beesha Caalamka