Tagaarayaasha Farmaajo Fashilmay Oo Ku Cadaadinaya in Dalka Laga Eryo

Somalia news

24-kii saac ee u dambeysa Taageerayaasha (CBB) Farmaajaha Fashilmay ayaa waday olole balaaran oo ay culeys ku saarayaan Villa Somalia iyo Wasaarada Arrimaha Dibeda in Dalka laga eryo (Persona non Grata) tiro Danjirayaal ah kuwaasoo aan la safan Afgambigii dhicisoobay..

Ilo Wareedyo Loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Kulamo ka dhacay Dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa la sheegay in lagu go’aamiyay in Villa Somalia loogu baaqay iney Dalka ka eriso Danjiraha Dowladda UK Mrs.Kate Foster iyo Danjirayaal kale.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirada Arrimaha Dibeda iyo Qorsheynta ay ku raaceen aragtida ah in Dalka laga ceyriyo Danjirayaasha si loo cabsi geliyo Wakiilada Beesha Caalamka, iyadoo Baraha Bulshada ay ku arkeyso Qoraalo lagu eedeynaayo Villa Somalia iney ka gaabisay difaaca Madaxbanaanida Dalka iyo Dowladda.

158970cookie-checkTagaarayaasha Farmaajo Fashilmay Oo Ku Cadaadinaya in Dalka Laga Eryo