Qorqor Oo Horjoogayaal Beeshiisa ah Farmaajo ku wareejiyay

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulamo xiriir ah Oo qarsoodi ah Oo tiro Horjoogayaal ah oo Beesha Saleyman ka soo jeeda ay labadii habeen ee ugu dambeysay kula yeelanaayeen Villa Somalia Farmaajaha Fashilmay, waxaana kulankaasi soo qabanqaabiyay Qorqor…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in kulankaan ka horeeyay mid galabta dhex maray Eedeysane Fahad Yaasiin iyo Saadaq John, waxaana lagu gorfeeyay sidii Ciidamada ku jira Xerada Ex Guulwadayaasha Oo u badan Maleeshiyaadka Beesha kor ku xusan u difaaci lahaayeen Xarumaha Madaxtooyada, Wasaarada Gaashandhigga iyo Xerada Ex Damaanyo.

Sidoo kale saddex cisho ka hor Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa isu keenay Fahad Yaasiin iyo Jen Saadaq John si loo dhammeeyo mad madowgii u dhaxeeyay ee ka dhashay arrintii muddo kororsiga ee uu Jenanku ka hor-yimid bishii April 2021.

Farmaajo ayaa habeenadii la soo dhaafay la kulmayay tiro Xubno horey uga soo qeyb qaatay Dagaalkii Ciidamada Badbaado Qaran ee ka soo horjeeday muddo kororsigiisa, waxaana kulamadan loo arkayay mid uu Farmaajo ku doonayo inuu ku soo dhoweysto, si aysan culeys ugu noqon dhankiisa.

160740cookie-checkQorqor Oo Horjoogayaal Beeshiisa ah Farmaajo ku wareejiyay