Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu Afduubtay Magaalada Johannesburg

Africa News

Wararka naga soo gaaraya magaalada Johannesburg ee Dalka Konfur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi lagu afduubtay Ganacsade Soomaaliyeed oo caan ka ah magaaladaasi, kadib markii weerareen kooxo Burcad hubeysan ah oo degaanka u dhashay…

Wararka ayaa sheegay in Burcada hubeysan ayaa la sheegay iney xoog ku galeen hotel uu magaalada Johannesburg ku lahaa Ganacsade Maxamed Cali Mursal, waxa ayna burcada hotelka kala baxeen ganacsadaha iyadoon la ogeyn ilaa hadda halka ay la aadeen.

Ciidamo ka tirsan Boliiska dalkaasi oo gaaray Hotelka afduubka ka dhacay ayaa bilaabay baaritaano, waxeyna Saraakiisha Boliiska sheegeen in baadigoob ugu jiraan burcada afduubka geysatay.

Magaalada Johannesburg iyo magaalooyin kale oo ku yaalla dalka Konfur Afrika waxaa ka jira afduubyo loo geesto Ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Ajaaniibta ah, waxaana dadka la afduubto qaarkood la sheegay in madax furasho laga qaato.

230310cookie-checkGanacsade Soomaaliyeed oo lagu Afduubtay Magaalada Johannesburg
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com