Tiro Dhalinyaro ah Oo Siyaabo kala duwan Loogu Dilay Mogadishu

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa tiro Dhalinyaro ah shalay ilaa xalay siyaabo kala duwan loogu dilay degaano ka tirsan Gobolka Benadir, Dhalinyaradaan oo 6-Qof ah  oo aanan waxba galabsan, kuwaasoo inta badan loo dilay dhaca Mobilada ay wataan…

Dhalinyarada dilalka loogu geystay goobo kala duwan oo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa afar ka mid ah waxaa la xaqiijiyay in la dilay xili tuugo hubeysan ay doonaayeen iney ka qataan talefanadooda gacanta ah, waxaana laba ka mid ah afartaas wiil magacyadooda lagu sheegay Cabduqaadir Xasan Ashkir iyo Cabduqaadir Nuur, waxaana labada kale la sheegay in mid ka mid ah uu dilay askari ka tirsan ciidanka dowladda, iyadoo kan kale aan la ogeyn cida dishay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka, Maamulka Gobolka iyo Dowladda Federaalka oo ku aadan dilalka saacadahii ugu dambeeyay ka dhacay qeybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

161710cookie-checkTiro Dhalinyaro ah Oo Siyaabo kala duwan Loogu Dilay Mogadishu