Ma Dhabaa in Danjiraha UAE ee Somalia uu Kulansiiyay Axmed Madoobe & Daniga Puntland..

Somalia news

Sida ay Xogo loo qaateen ah sheegayaan, Waxaa Magaalada Abu Dhabi ee Imaaraadka Carabta lagu kulansiiyay Hogaamiyayaasha Maamulada Jubbaland Axmed Madoobe iyo kan Puntland Siciid Deni, waxaana kulankaan fududeeyay Safiirka Imaaraadka u fadhiya Somalia, Axmed Jumah Alromaithi..

Wararka ayaa sheegaya inkastoo Xiriirka u dhaxeeya Mr,Axmed Madoobe iyo Deni uu hooseeyay tan iyo doorashadii 2022-kii kadib markii Deni uu ku eedeeyay Madoobe inyu bakanqaadyo uga baxay, Laba sano oo kala fogaansho ah kadib ayaa la sheegay iney wada tashiyo la taaban karo ka yeesheen isla markaana ay qorsheynayaan in maalmaha soo socda kukan kale ay isugu yimaadaan, Iyadoo la sheegay in Madoobe uu la safan yahay Mucaaradka islamarkaana uu diidan yahay in la ilaaliyo heshiiskii NCC ee laga bilaabo May 2023.

Wararka ayaa sheegaya in dabayaaqada Todobaadkaan la filayaa in Kulan hordhac ah ay magaalada Nairobi ku yeeshaan, Siyaasiyiinta Mucaaradka & 2-da Maamul ee kor ku xusan, iyadoo ay haatan magaalada Nairobi ay ku sugan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Hawiye ayna ka mid yihiin Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre, Cabdulqaadir Cosoble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

321540cookie-checkMa Dhabaa in Danjiraha UAE ee Somalia uu Kulansiiyay Axmed Madoobe & Daniga Puntland..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *