Tiro Hoobiyayaal ah Oo Lagu Weeraray Villa Somalia

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa tiro Hoobiyayaal ah oo lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia iyo Degmooyinka Boondheere & Wardhiiglay…

Dadka xaafadahaas ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in ilaa 4-Hoobiye ay ku dhaceen gudaha Madaxtooyada Somalia, inkastoo la sheegay in dad rayid ah oo degan agagaarka Dugsiga Sare Ee 15-may ay khasaare ka soo gaareen Hoobiyayaal haa si, Waxaa la sheegay Dadka degan xeyndaabka xaruntaasi ay cabsi badan ka muujiyay dhawaq dhawaqa Hoobiyaha.

Maalin cad in magaalada Muqdisho gaar ahaan Madaxtooyada Hoobiye lagu weeraro waxey sawir cad ka bixinaysa in Muddo Kordhinta Kooxda Maamulka Fashilmay inuu Dalka u horseeday Wado mugdi ah oo aan la ogeyn sida looga soo noqon karo.

#LaSoco wixii ku soo Kordha#

112880cookie-checkTiro Hoobiyayaal ah Oo Lagu Weeraray Villa Somalia