Xildhibaan Gole degaan Ka Tirsan Oo Mogadishu Lagu Dilay

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxay ku dileen Xildhibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe….

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa u sheegay in Xildhibaanka oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Kamaal Sheekhay lagu toogtay xaafadda Siliga Ameerikaanka ee Wadajir, xili uu halkaas ku sugnaa, isagoona goobta ku dhintay, Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa tegay goobta uu falku ka dhacay, isla markaana halkaas ka qaaday Meydka Marxuumka.

Maamulka degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa weli wax war ah kasoo saarin dilkii Caawa loo geystay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka degmadaas ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

112950cookie-checkXildhibaan Gole degaan Ka Tirsan Oo Mogadishu Lagu Dilay