Dab Ka Kacay Suuqa Degmada Xamar weyne & Sababaha ka Dambeeya..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Dab xoogan oo khasaare balaaran ka geystay Suuqa Degmada Xamar weyne ee Gobolka Benaadir, Dabkaan ayaa geystay Khasaare hantiyeed oo aad balaaran, iyadoo aysan jirin Dad wax ku noqday sida ay sheegeen Hey’adaha Amaanka…

Wararka ayaa sheegay in Dabkaan uu ka kacay Qeybta Dharka ee ku dhow Masaajidka Marwaas, iyadoo la sheegay in la xakameeyay inuu ku fido qeybaha kale, kadib markii Gadiidka Dab damiska ay gaaray Suuqaasi ayaa ku guuleysteen iney Badbaadiyaan Qeybo kale oo uu ku fidi lahaa dabkaasi.

33-dii sano ee u dambeysay, ayaa waxaa joogto noqday Dab ka kaca Suuqyada Ganacsiga Dalka, iyadoo Maamulada Degaanada iyo Hey’adaha Amaanka ay ka gaabiyeen iney Suuqyadaasi u dhisaan Wadooyin gurmadka deb demiska u soo maraan, waxaana ku hanti beelay tiro badan oo Ganacsato kala heer ah.

288090cookie-checkDab Ka Kacay Suuqa Degmada Xamar weyne & Sababaha ka Dambeeya..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com