Dab xoogan oo ka kacay Qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Dab aad u xoogan oo goor dhaweyd ka kacay Goobo Ganacsi oo ku yaala Bartamaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay inuu ka bilaawday Qeybta Dahablaha kuna sii fiday qeybaha kale sida Maacunta..

Iyadoo laga sii cabsi qaba in dabka uu kusii faafo qeybo kale oo ka mid ah Suuqa, maadama uu yahay dabka mid sii xoogeysanaya marba marka ka dambeysa, Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in daminta dabkaan ay haatan ku howlan yihiin Gaadiidka dab damiska ee Shirkadda hormuud iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo isku dayaya iney demiyaan dabkaas ka kacay suuqa Bakaaraha.

Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Dalka, ayaa waxaa aad ugu soo laab laabtay mudooyinkii dambe dabka ka kaca goobaha ganacsi ee ku yaala Suuqaas, dhowr todobaad ka hor ayeyna aheyd markii sidan oo kale uu dab u qabsaday Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta loo yaqaano Cabdalla shideeyaha ee lagu iibiyo qalabka Electroniga, kaasoo geystay khasaare badan.

Dabkaan saakay ka kacay Suuqa Bakaaraha ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Suuqa uu ka jiro mashquul ganacsi oo la xariiro diyaar garowga maalmaha Ciida ee nagu soo wajahan.

319290cookie-checkDab xoogan oo ka kacay Qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com