TPLF Oo Shuruudo Adag Ku Xirtay Iney La Heshiiyaan Addis abeba

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya shuruudo adag oo Hogaanka TPLF ay ku xireen iney heshiis xabad joojin ah la gaaraan Maamulka Abiy ee Addis abeba, waxeyna soo jeediyeen in Dhamaan Ciidamada Eritrea iyo kuwa Amxaarada laga saaro degaanada ay ku heystaan…

Maamulka Tigray ayaa sidoo kale dalbaday in la dhiso guddi baariseed oo Madaxbanaan soona baara Xasuuqa, dilalka bareerka ah, Kufsi wadareedka iyo Bililqada xoogan oo ay ka geysteen Ciidamada Ethiopia iyo Eritrea degaanada Gobolka Tigray 8-dii bilood ee dagaalada socdeen, in furo marin ay u soo maraan gargaarka iyo soo celinta adeegyada Bulshada sida Caafimaadka iyo Isgaarsiinta.

Waxey kaloo dalbadeen in Maamulka Addis abeba ay si shuruud La’aan ah u soo daayaan dhamaan maxaabiista u xiran isla markaasna mag dhow ka bixiyaan khasaaraha ay geysteen Ciidamada Ethiopia iyo Eritrea iyo in la oggolaado Maamulka Dadka Degaanka Gobolka Tigray ay doorteen iney Siyaasada ku metelaan.

127660cookie-checkTPLF Oo Shuruudo Adag Ku Xirtay Iney La Heshiiyaan Addis abeba