Golaha Wasiirada Oo Ka Shiray Soo Celinta Soomaalida ku kala xiran Xabsiyada Caalamka

Somalia news

Kulan uu shir gudoominaayay Ra’iisul wasaare kuxigeenka Dowladda Federaalka Mr.Saalax Jaamac ayaa looga dooday ansixinta Siyaasada Qaran ee Qurba joogta Soomaaliyeed iyo soo celintooda oo ay soo diyaarisay Wasaarada Arrimaha Dibeda iyo Iskaashig Caalamiga ah…

Kulankaan ayaa lagu falanqeeyay hanaanka ugu fudud ee loo soo celin karo Muwaadiniita Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dalalka Dibeda iyo kuwa jira xabsiyada, iyadoo muwaadiniintaan ay baahi weyn u qabaan sidii loogu fududeyn lahaa iney dib ugu soo noqdaan Dalkooda iyagoo badqada.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay iney muhiimad gaar ah siineyso Qurba joogta Soomaaliyeed sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka iyo dib u dhiska Dalka, isla markaasna kaalin hormuudnimo uga qeyb qaadan lahaayeen Dowladnimada Somalia, iyadoo loo fududeynaayo xeerarka maalgashiga.

245600cookie-checkGolaha Wasiirada Oo Ka Shiray Soo Celinta Soomaalida ku kala xiran Xabsiyada Caalamka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com