Deni Oo Bilaabay Safaro uu ku Maraayo Dalalka Kenya, Djibouti & Imaaraadka

Somalia news

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa u safray dalka dibaddiisa kadib markii ay dhinacyada Siyaasadda ee Somalia heshiis ka gaareen arrimaha doorashooyinka ee Dalka, kuwaas oo ay 9-kii bilood ee lasoo dhaafay isku hayeen darafyada siyaasadda…

Mr.Deni oo 3 maalmood ku sugnaa Kismaayo ayaa la kulmay qeybaha bulshada oo ay ugu horeeyaan Odayasha dhaqanka kalana hadlay soo bixida xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka & sida loogu baahan yahay inay u noqdaan kuwa siyaasad loo mideyn karo, ayaa loo arkayay in ay tahay bilowga ole-ole cusub oo xagga siyaasadda ah kuna wajahan isku duba ridka qorshe.

Safarka Deni ayaa bilaabay safar uu ku tegayo dalalka Kenya, Djibouti & Imaaraatka Carabta oo ay dhamaan kala dhaxayso isgaashaanbuursi siyaasadeed, gaar ahaana marka ay joogto arrimaha doorashooyinka 2021-ka la xariira, iyadoo si weyn ugu cabsi qabaan Kooxda Farmaajo.

127630cookie-checkDeni Oo Bilaabay Safaro uu ku Maraayo Dalalka Kenya, Djibouti & Imaaraadka