Xoogag Gadoodsan Oo Xoog kula Wareegay Albaabka Dekada Boosaaso…

Somalia news

War gooe sii horeysay naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso Gobolka Bari Puntland ayaa sheegaya in hakad uu ku yimid, howlihii ganacsi ee Dekada Boosaaso, kadib markii Xoogag ka tirsan Daraawiishta Puntland ay isbaaro dhigteen albaabka laga galo Dekeda…

Wararka ayaa sheegaya inuu hakad ku yimid howlihii Dekada oo dhan, iyadoo Shaqaalihii, Ganacsatadii iyo Xoogsatadii kaleba ay ku sugan yihiin Banaanka Dekada, goobjoogayaal ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Xoogaan aad u hubeysan tiro ahaan ay xirteen dekada, waxaana taas ay keentay cabsi soo wajahday Dadka ku nool Xaafadaha ku dhaw Dekadda.

Wararka ayaa sheegay in Xoogagaan Gadoodsan aysan gudaha u galin Dekada, hadana waxaa lasoo warinayaa in ay ku sugan yihiin banaankeeda, waxayna dib ucelinayaan cid walbo oo dooneysa gelista Dekada.

258470cookie-checkXoogag Gadoodsan Oo Xoog kula Wareegay Albaabka Dekada Boosaaso…