Farmaajo Oo Amray in xilka laga Xayuubiyo Agaasimayaasha Warbaahinta Dowladda

Somalia news

Ilo xog ogaal ah ku dhow Saraakiisha ka shaqeysa Villa Somalia iyo Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in Madaxwayne Farmaajo uu Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dubbe ku amray in is bedel degdeg ah lagu sameeyo agaasimayaasha Wasaaradda Warfaafinta….

Isbedelkaan ayaa la filayo in maanta lagu dhawaaqo ayaa la qorsheeyay in laga billaabo Agaasimaha guud ee wasaaradda Naasir Xuseen, iyadoo kadibna raaci doonaan Agaasimayaasha Qeybaha warbaahinta sida TV-ga Qaranka, Radio Muqdisho iyo SONNA.

Warbaahinta Qaranka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay qaadatay siyaasad tifaftir oo dhexdhexaad ah iyada oo baahineysay hadallada siyaasiyiinta mucaaradka ah. Madaxweyne Farmaajo oo arrinkaan aad u dhibsaday ayaa haddii uu tallaabadan qaado waxay ka hor imaaneysaa xeer uu Ra’iisul Wasaare Rooble soo saaray oo sheegayay in aan agaasimayaasha guud wax isbedel ah lagu sameyn karin.

Tallaabadan ayaa laga baqayaa in ay dhaliso xiisad siyaasadeed maadaama awoodda ugu badan ee ololaha doorashada soo socota uu noqonayo Warbaahinta.

122000cookie-checkFarmaajo Oo Amray in xilka laga Xayuubiyo Agaasimayaasha Warbaahinta Dowladda