Khataraha ku Xeeran Boobka Awooda iyo Siyaasada Dalka Ee Golaha Wadatashiga Qaran..

Somalia news

Laba sano ka hor ayaa Madaxweynaha Xiligaan Fadhiya Guriga Madaxtooyada, oo markaas ahaa Shaqsi si weyn u dhaliili jiray Maamulkii Madaxweynihii isaga ka horreeyay, isla markaasna si adag uga soo horjeystay muddo kororsi uu sameeyay Aqalka Hoose, ayaa shalay soo jeediyay in si aan dastuuri iyo Nidaam aheyn lagu saleeyo Nidaamka Dawladnimo ee madaxtooyada iyo 5-ta sano ee Madaxweynenimada iyo doorasho qof iyo cod ah oo ku salaysan laba xisbi siyaasadeed…

Madaxweynaha ayaa adeegsaday ereyga af-soomaaliga ah ee “Talo” si uu u qeexo tallaabada aan waafaqsanayn Nidaamka wada tashiga ku dhisan ee Dalka, Eraygu wuxuu noqon karaa xeer ama talo. Waxaa laga yaabaa inuu ula jeeday wada-xaajoodka inuu xoogga saaro sidii Dalka oo dhan looga wada-tashan lahaa hannaankii ay ku heshiiyeen Golaha Wada-tashiga Qaran ee Muqdisho iyadoo uusan joogin Madaxda Maamulada Gobolada, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa markii uu akhrinayay war-murtiyeedka wuxuu si bareer ah saxiixayaasha ugu daray magaca Madaxweynaha Puntland.

Xilli uu dagaal Sokeeye uu ka holcaayo Waqooyiga Dalka, ayaa Madaxweynaha, isaga oo ka faa’ideysanaya awooda Xilka Xafiiska ayuu heshiiskaan ku tilmaamay Go’aankaan “awood wadareed”, waxaana laga digay in hanaankaani uu Dalka dib ugu celin karo Nidaam la’aantii laga soo gudbay.

Khubarada taxliiliya Arrimaha Awood-qeybsiga wadajirka ah ayaa ka digay iney Go’aankaani uu halis ugu jira in ay wiiqaan hindise-sharciyeedka cafinta deymaha, Dagaalka kooxaha Argagixisada, waxayna sii kordhineysaa kalsooni-darrada u dhexeysa xiligaan Dowladda Federaalka iyo Maamul-goboleedka Puntland.

258300cookie-checkKhataraha ku Xeeran Boobka Awooda iyo Siyaasada Dalka Ee Golaha Wadatashiga Qaran..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com