Warbixino hordhac ah ayaa muujinayaa in Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu xiliga kala guurka ah u adeegsanaayo sidii uu uga macaashi lahaa dhaqaale ahaan, kadib markii uu heshiis la galay Shirkadda Al-Beyrak Ee maamusha Dekeda Magaalada Muqdishu…
Ilo wareedkaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Maamulka Farmaajo uu u oggolaaday Shirkadda Al-Beyrak iney 14-sano sii maamusho dekada Muqdishu, iyadoo heshiiskaasi Uu oggolaaday Mr.Mahdi Guuleed Oo sii-haye ahaa Wasiirka 1-aad, waxaa la sheegay in wada hadaladaasi dib loogu eegay Heshiiskii horey u jiray Ee dhinaca Saami qeybsiga dhakhliga Dekeda.
Heshiiskii hore ayaa xeerinaayay in Shirkadda Turkish-ka ah ay Dekeda maamusho 20-sano, kaasoo la kala saxiixday sanadkii 2013-kii, Ee maamulkii kan ka horeeyay, iyadoo dib loogu laabtay nidaamka qaabeynta Maaliyada Dowladda, Heshiiskaan ayaa dhigaaya in muddo 5-sano ah lagu maalgeliyo horumarinta Dekeda dhaqaale dhan 50-millions US$, iyadoo aysan jirin ilaa hadda wax horumar dhaqaale oo la geliyay.
Aqooyahan Prof.Kabire ayaa ayaan darro ku tilmaamay in Dowladda Turkey ay xiligaan ka faa’ideysato ilaha dhaqaalaha Dalka sida dekada iyo Garoonka diyaaradaha oo ay gacan ku hayaan laba shirkadood oo Turkish ah, kuwaasoo sandareedrto yar siiya Maamulka Farmaajo iyo kii ka hore, isla markaasna aysan isla xil saarin iney fuliyaan heshiisyada hormarineed Ee lagula heshiiyay.