Share the post "Turkiga Oo Laga Codsaday iney Ka Taageeraan Dhismaha Sanduuqa Zakada Somalia.."
Faahfaahin ayaa laga helayaa kulan ay yeesheen Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Mr.Mukhtaar Roobow Cali iyo Madaxa Arrimaha Diinta (DIYANET) ee Dalka Turkiga Prof. Dr. Ali Erbasha ayaa ka dalbaday in Wasaaradiisa laga taageero dhismaha Sanduuqa Zakada…
Wararka ayaa sheegaya in Mr.Roobow uu u sheegay Prof. Dr. Ali Erbash in Wasaaradiisa ay baahi weyn ay u qabtay sidii loo hirgalin lahaa Sanduuqa Diiwaanka Zakada Somalia iyo Horumarinta xirfada Shaqaalaha ka howlgala Wasaaradda, xoojinta xiriirka & wada shaqeynta labada dhinac si Dalka looga hiegeliyo Sanduuqa Diwaanka Zakada.
Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa xusay in ay u baahan yihiin dhisidda Hay’adda Awqaafta, Sanduuqa Diiwaanka Zakada iyo tababarada khubarada iyo shaqaalaha Wasaaradda ee ka qeyb qaaadanaya aasaaska iyo dhisidda hay’adahaan, Dhamaan Qorshayaashaan uu Wasiirka ka dalbaday Hay’adda Turkida ee Diyanet waxa ay qeyb ka yihiin qorshaha Qaran ee Xukuumada Federaraalka ay hiigsanayso shanta sano ee soo socota, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Somalia.