Dowlada Oo Looga Digay Iney Siyaasadeeyaan Waxbarashada

Somalia news

Shalay waxaa lasoo bandhigay natiijadii imtixaanada dugsiyada sare ee sanad dugsiyeedkii 2019/2020. Waxaana laga bixiyay fasiraado kala duwan, iyadoo laga taxliiliyay dhinacyo badan natiijada iyo sida ay u kala heleen ardayda Soomaaliyeed ee ku kala sugan gobolada Dalka…..

Qaababka looga falceliyay ayaa kala duwanaa, qaar waxay diirada saareen tirada ardayda ku dhacday sanadkaan oo ay u arkaan in ay aad u badantahay, halka qaar kalena ay su’aalo ka keeneen sida gobol gaar ah ugu natiijo wanaagsanaan karo gobol kale. Inta badan waxaa la is dul-istaagay natiijada gobolka Benaadir oo loo fasiray qaab fashil wayn inuu kajiro, maadaama sida la sheegay 90% tirada guud ee imtixaanka ku dhacday ay katimid dhinacooda.

Aqoonyahanno ayaa ugu baaqay Madaxda Sare in dib u  eegis lagu sameeyo Sidda ay ku timid in lasoo bandhigo 10 iskuul ee ugu wanaagsan, iyo in la siyaasadeeyo Waxbarashada isla markaasna niyada laga jebiyo Ardayda.

Sida ka muuqata jaantuska natiijada imtaaxanka waxaa guud ahaan u fariistay 32,727 arday, waxaana haray/dhacay 8,550 arday, taas oo ka dhigan 25.35% celcelis ahaan. Tani waa arrin argagax leh muujineysana fashal muuqda oo ku yimid nidaamka waxbarashada ee dalka marka indho aqooneed lagu eegno .

Dhanka kale jaantusku waxuu ina tusayaa in ardada gobalka Banaadir ka dhacday ay yihiin 7,873 arday taas oo ka dhigan in 90% ardeyda dhacday ay ahaayeen ardeyda hal gobol imataxaanka u gashay. Waana arrin kale oo iga yaabisay dad badanna shaki ku abuurtay.

Dowladu hadii aysan la imaanin Wax lagu qancin karo Ardayda, waxaa laga yabaa iney horseedi doonto in Magaalada Muqdishu ay ka dhacaan dibadbaxyo balaaran oo lagu diidan yahay Shaqsiyaadka maamula Wasaarada Waxbarashada oo lagu eedeeyay iney siyaasadeynayaan Mustaqbalka Ardayda Soomaaliyeed.

59270cookie-checkDowlada Oo Looga Digay Iney Siyaasadeeyaan Waxbarashada