Guddiga Doorashada Oo Ka Hadlay Hakinta Doorashada

Somalia news

Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal (FEIT) Maxamed Xasan Cirro ayaa ku tilmaamay arrin aan suurtagal ahayn hakinta Doorashada Golaha Shacabka si loo saxo qaladaad cabasho laga keenay doorashada…

Mr.Cirro Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka FEIT oo wareysi siiyay Universal Tv ayaa ku taliyay in la isku dhex wadi karo sixida cabashooyinka iyo qabashada doorashada iyadoo mudada doorashada la ilaalinayo.

“Waxa hadda socda waa Doorasho nooceedu dadban yahay oo ay ku heshiiyeen madasha Wadatashiga qaranka, suuragal ma aha in la hakiyo Doorashada balse iyada oo la wado in la saxo waxa jira waa waajib, marweliba waa in la saxo waxa aan heysano oo la fiiriyo waxa laga cabanayo” ayuu yiri

Sidoo kale Guddoomiye Cirro ayaa xusay in habraaca loo marayo Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi (Somaliland) uu ka duwan yahay kan Golaha Wadatashiga uu dejiyay.

Cirro ayaa tilmaamay in dib loo eegayo kuraasta dhowr & labaatanka ah ee Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya si loo hubiyo habraaca loo maray in uu waafaqsan yahay heshiiskii Golaha Wadatashiga qaranka.

154570cookie-checkGuddiga Doorashada Oo Ka Hadlay Hakinta Doorashada