Turkiga & Qatar Oo Qeyb Ka Noqdeen Dagaaladii Mogadishu

Somalia news

Ilo xogogaal ah ayaa sheegay in weerarkii Ciidamada Dowladda ee shalay galab iyo xalay ayaa la xaqiijiyay iney ku lahaayeen Khabiiro Turki iyo Saraakiil Sirdoon oo ka tirsan Maamulka Dooxa, waxeyna ka qeyb galeen dagaaladii ka dhacay Aaga Isbitaalka Laasaretti ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Benadir…

Wararka hordhaca ayaa sheegay in Laba Urur oo ka tirsan Guutada Gorgor ay ka soo baxeen Xerada TurkSom Ee duleedka Jasiira kuwaasoo ku hubeeysnaa Gaadiidka qafilan ee Turkiga farsameeyo, waxaana hogaaminaayay tababrayaal Ciidamada Turkiga ka tirsan, iyagoo ka qeyb galay dagaalka Aaga Kaaraan.

Dhanka kale Saraakiil sirdoon oo Qatar iyo Eritrea u dhashay ayaa lagu arkaayay goobaha dagaalada shalay ka dhacay kuwaasoo talo bixin iyo xog-uruurin ka waday Agagaarka Garoonka ciyaaraha ee Stadium cons, inkastoo markii dambe la sheegay in Madaxtooyada Villa Somalia loo soo qaaday kadib markii xaalada xumaatay.

Waa ayaandarro weyn Dowladda Turkiga ay saameyn ku yeelato dagaalada sokeeye Ee Caasimadda ka dhacay, iyadoo Shacbiga Caasimadda ku nool ay qadarin iyo muxibo u hayeen, kadib gurmadkoodii sanadkii 2011-kii, waxaase isku qaban waayay Sida aan gabashada laheyn Ee u difaacayaan Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, Dhimashada iyo Dhaawacyada shalay iyo xalay ka dhacay Magaalada Mogadishu Waxaa lagu geystay Hub iyo Gaadiid ay Dowladda Turkiga leedahay iyo Ciidamo ay soo tababartay.

114370cookie-checkTurkiga & Qatar Oo Qeyb Ka Noqdeen Dagaaladii Mogadishu