Degaanka Milxo oo Lagu Dilay Laba Nin Oo Oromada Ethiopia ka Soo jeeda..

Somalia news

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya shaqaaqo ka dhacday Degaanka Milxo ee Gobolka Sanaag kadib markii saaka halkaasi lagu dilay Laba nin oo ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada Dalka Ethiopia, kuwaasoo la sheegay iney ka mid ahaayeen kooxo ka xoogaada Degaanka…

Wararka ayaa intaasi raaciyay in Dilka labada nin uu ka dhashay muran dhexmaray iyaga iyo koox Soomaali ah waxaana sidoo kale falkaas ku dhaawacmay laba ruux oo kale, Labada Qof oo kale ayaa ku dhaawacmay ayaa mid ka soo jeeda qoomiyadda Oromada halka kan kalena Soomaali yahay sida laga soo xigtay goob-joogayaal ku sugan Degaanka Milxo.

Faahfaahin intaas ka baxsan ilaa iyo hadda lagama helin falkaasi dilka ah ee ka dhacay degaanka Milxo islamarkaana ma jirto cid weli si shaacsan uga hadashay, sidoo kale Maamulka Degaanka ayaan dhacdadaani ka hadlin.

286520cookie-checkDegaanka Milxo oo Lagu Dilay Laba Nin Oo Oromada Ethiopia ka Soo jeeda..